Free Essay

War in Somalia and Culture

In: Social Issues

Submitted By FatAbdi
Words 1217
Pages 5
Jawaab Celin Ka Socota Arday Ka Qalin Jabisey Dugsiga Sare ee Abaarso School of Science and Technology

Waxa aan warqaddan u diraynaa dhammaan ummadda Somaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. U-jeedadayaduna waxa ay tahay in aannu faahfaahin ka bixinno jahawareerka ka dhashay booqashada uu suxufiga Anderson Cooper ku yimid Somaliland, gaar ahaan socdaalkii uu ku tagey dugsiga Abaarso. Isla markaana waxa aannu jawaab ka bixin doonnaa eedaymaha aan salka iyo raadka lahayn ee loo soo jeediyay dugsigayega.

Waa marka koowaad’e, dhammaantayo waxa aannu ka midaysannahay in khaniisnimadu (ama is guursiga dadka isku jinsiga ahi) aanay dhaqan Soomaaliyeed iyo diin Islaam midnaba meel ku lahayn.

Hadaba, waxaa is waydiin mudan: maxaa sababey in Somaliland ay yimaadaan Anderson Cooper iyo kooxda suxufiyiinta ah ee wehelinaysay? Maxaa ayse ka soo dooneen dugsiga Abaarso kooxdan weriyayaasha ah ee ka socotay shabakadda CBS News?

Soddomeeyyo sano ayaa ka soo wareegtay markii u dambaysey ee arday Soomaaliyeed oo ku dhalatay kuna barbaartay dhulkooda hooyo ay fursado waxbarasho ka helaan jaamacadaha caalamka ugu sarreeya sida Harvard, Yale, MIT, Brown iyo qaar kaloo badan. Dugsiga Abaarso waxa uu dib u bilaabay in uu soo saaro ardey la tartami karta facooda ku kala nool daafaha dunida. Ardeydan waxaa la siiyey fursado waxbarasho oo u sahleysa in ay dhistaan mustaqbal ay dadkooda, dalkooda, iyo diintoodaba ku anfici karaan. Warkan farxadda leh ayaa ay doonaysaa CBS News qaybteeda “60 Minutes-ku” inay caalamka daaha uga qaado.’

Barnaamijkan oo loo yaqaan “60 Minutes” ayaa isagu ah mid aad caan u ah oo ay daawadaan in ka badan 12 milyan oo qof todobaadkiiba. Barnaamijkani waa mid lagu lafo-guro dhacdooyinka ugu xiisaha badan dunida. Abaarso iyo ardaydeedu waxa ay adduunka ku rideen fajac iyo u qaadan-waa. Marnaba lama filanayn in ardey ku dhalatey kuna barbaartay dhul Soomaaliyeed ay la tartami karaan ardayda ku nool waddamada horumaray. Dadka ku nool wadamadan uu dhaqaalahoodu dhisanyahay waxa ay haystaan fursado iyo taageerooyin waxbarasho maaddi oo aan sinaba dhulkeena looga helin. Taa waxa sii dheer, in dadka Soomaaliyeed Af-Ingiriisigu aanu afkooda koowaad iyo kooda labaad midnaba. Guushan layaabka leh ee ay soo hooyeen ardeyda reer Abaarso ayuu telefishanka CBS News ka diyaarinayaa warbixin.Telefishankani waxa uu doonayaa in uu baadhitaan ku sameeyyo tariikhda dugsiga Abaarso si uu adduunka ugu sharraxo dariiqada uu iskuulkani raacay ee guusha u soo hoysey. Warbixintani waxaa kale oo ay caalamka tusi doontaa horumarka iyo nabadda ay Somaliland ku tallaabsatay.
Barnaamijkan diyaarintiisa waxa loo soo xil saaray Anderson Cooper oo ah nin aaminsan in ay raggu is guursan karaan. Waxaa xaqiiqo jirta ah, inuu ninkani yahay nin qaba nin kale. Hase ahaatee, waxaa la wada yaqaannaa in ninkan shaqadiisu ay tahay wariyennimo. Ninkani waa weriyye caan ah oo ka hadla waxyaabo badan oo ay ugu wayntahay siyaasaddu. Waxa uu u shaqeeyaa wakaaladda warbaahinta madaxa bannaan ee loo yaqqaan CNN. Ninkani mudadii 30-ka saacadood ahayd ee uu ku sugnaa Abaarso waxa uu ka shaqaynayey mashruucan ay CNN u soo igmatay. Waxa qudha ee laga hayaa waa inuu yidhi, “Somaliland horumar wayn ayey ku tallaabsatay waxaanan rajaynaynaa inaan caalamka u soo bandhigno horumarka ka qabsoomay dalkan”(turjumaad).

Waxaa nasiib darro ah, in shakhsiyaad markoodii horeba raadinaayey fursad ay ku hagardaameeyyaan ardeyda iyo waalidiinta Abaarso School ay ku soo daba gabbadeen imaanshaha suxufigan. Waxa aannu doonaynaa in aan dadkan xasuusinno in ay Alle ka cabsadaan. Ilaahay (SWT) waxa uu Qur’aankiisa suuban ku yidhi.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوا أَنْ تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَىٰ مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ(Surah 49.Al-Hujurat, Ayah6
“Waar duulka iimaanka laga helayoow, haddii uu qof fidno wadaa war idiin la yimaado, iska hubsada; Laga yaabaa in aad dad ku geftaan oo aad ka murugootaan jeer dambee.” (Tafsiir).

Dugsiga Abaarso waxa uu hoy u yahay in ka badan 200 oo arday oo Soomaali ah. Ardeydan waxaa diinta Islaamka ku tarbiyadeeyay waalidiin Muslim ah oo illaa hadda waxbarashadooda iyo anshaxoodaba ka war hayya. Waxaa intaa dheer in dugsiga maamulkiisa ay ku jiraan gudi waalidiin ah oo diin iyo dhaqanba loo daba fadhiisto. Sidaas daraadeed, dadka dugsiga dhaleecaynaya ee ku andacoonaya in caruurta dhaqan xumo lagu baro dugsigani waxa ay si toos ah u dhaliilayaan anshaxa iyo asluubta diineed ee ardeydan iyo waalidiintani ay weligoodba ku sifaysnaayeen. Sida Cabdillaahi Binu Cumar (Ilaahay raalli ha ka noqdo isaga iyo aabihiibee) uu ka soo weriyey nebigeenna suubban (NNKH), “Muslimku waa ka ay muslimiintu ka nabad galaan carrabkiisa iyo gacantiisaba...” (Al-Bukhari.)

Dhammaanteen waajib ayaa innaga saaran ineynu wanaagga is farno, xumahana aynu iska reebno. Laakiinse waxa ay ahayd in dadku ay wax hubsadaan inta aanay seefta la boodin. Waxa ay ahayd in shakigooda iyo su’aalohoodaba ay uga sal gaadhaan si xaqiiqo raadisnimo ah. Dadkani iyaga oo aan aqoon u lahayn Abaarso iyo sida ay u shaqayso toona, ayey bilaabeen in ay been caddaan ah sheegaan. Qaar badan ayaa faafiyey warar wax kama jiraan ah. Tusaale ahaan, mid ka mid ah dadkan war-xumo tashiilka ah ayaa Facebook-ga soo dhigey sawirro laga qaaday qaar annaga naga mid ah oo ciyaaraya ciyaarta loo yaqaan “luuf-ta” saddex sanno ka hor markii aannu ardayda ka ahayn dugsiga. Ka dibna wuxuu iska yidhi --sawirradani waxa ay caddeynayaan dhaqan xumo iyo is fuul-fuul. SUBXAANAKA YAA CADIIM! Marnaba dadkani miyaanay ka fakarin in xilkasnimo la’aantooda iyo beenta ay sheegayaan ay dadka marin habaabinayso oo ay ceebaynayaan ummad soomaaliyeed?

Haddii ay kaa dhab tahay oo aad doonayso in aad dhallinyarada Abaarso dhaqan xumo ka ilaaliso, fadlan la xidhiidh maamulka dugsiga. Booqo Abaarso oo adigu indhahaaga wax ku soo arag. Sida aannu horeba u sheegnay dugsiga Abaarso maamulkiisu kama koobna dad ajaanib ah oo kaliya.

Hadaba in Facebook la soo daba fadhiisto, oo dugsigayega qoraallo foolxun oo annaga dhaqan-xumo nagu sheegaya laga qoraa, waa wax aan dhaqankeena iyo diinteenna midnaba waafaqsanayn. Maamulka dugsigu waxa uu ka kooban yahay dadyaw kala duwan oo ay kamid yihiin guddida waalidiinta, board-ka iskuulka, iyo sidoo kale xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashada, cuqaasha, ciidanka booliska, iyo wax-garadka dalka.

Haddii aannu nahay ardeyda ka qalin jabisey dugsiga Abaarso, marnaba ma difaacayno dhaqanka ninkan suxufiga ah. Waxa kale oo aannu doonaynaa in aannu caddeyno in aannaan marnaba u dulqaadaneyn fadeexadda na loogu faafinayo shabakadda internetka.

Ugu dambayntii, waxaa xusid mudan in Anderson Cooper socdaalkiisani uusan ahayn kii ugu horreeyay ee uu ugu soo kicitimo xaggan iyo Geeska Afrika. Haddii aynu dib u milicsano taariikhda, Anderson Cooper wuxuu yimid Muqdisho iyo Baydhabo sanadihii 1992-kii iyo 2011-kii isagoo wakhtigaas bulshada caalamka u gudbinaayay colaadihii iyo abaarihii ka jirey deegaannadaas.

Suxufigani Soomali tabaalaysan ayuu dunida uga warramayey shan sanno ka hor. Maantana waxa uu adduunyada u tebinayaa guusheenna. Warkani waa war farxad leh oo ay habboontahayy in aynu dhammaanteen soo dhaweyno. Waxa lagama maarmaan ah in qof kasta oo jecel horumarka umadda Soomaaliyeed uu soo dhaweeyo faafinta guulaha dhalinyaradeena, maaddaama oo ay dhalinyaradani yihiin mustaqbalka ummaddan.

Ciddii ka shakisan dadka ajanabiga ah ee wax ka dhiga dugsiga Abaarso School of Science and Technology, ee ka warwarsan sida uu dadkan qalaad dhaqankoodu u saameynayyo ardeyda dugsigan wax ka barata, waxa aannu ugu baaqaynaa in ay soo booqdaan dugsiga oo ay wareystaan maamulka, waalidiinta , iyo ardaydaba, kana feejignaadaan fidinta kutidhi kuteenta. Dadka kale ee ay u-jeedaddoodu tahay kaliya in ay na wax yeelleeyaanna, waxa aannu kula talineynaa inay ka waantoobaan ficilada noocaas ah.

Allaa Mahad Leh.

Similar Documents

Free Essay

Vulnerable Populations

...Vulnerable Populations- Somalia Refugees Vulnerable Populations- Somalia Refugees Referred to as the ‘Horn of Africa’, Somalia is located on the eastern tip of the continent of Africa. Somalia is bordered by Kenya to the southwest, Yemen to the north, and Ethiopia to the west, and a prosperous boating region on the Indian Ocean. Before it was inhabited by foreign countries, it has only been close to being a thriving country. History World states, “The land of Somali people, much of it arid and inhospitable, has for thousands of years been close to civilization and international trade,” (Gascoigne, 2010). Which means only within reach, but the bad luck started before the Somali War even had a chance to affect the outcome of Somali culture. All the areas surrounding Somalia became bustling with civilization and substantial living, including Saba, where the Queen of Sheba was originated, and even Ethiopia where the Aksum kingdom erected before the 6th century B.C. The boating district is and has always been bustling because it is halfway to India for trade. For the people of Somalia times have always been grueling. With initial conflicts between three countries, Somalia has always been in turmoil. The French, the British and the Italians fought to gain leadership and earn ownership of Somali land. Reaching an agreement the Italians signed the Treaty of Uccialliin over the largest part of coastal Somalia with the Ethiopians. However, with greed and violence arising with Italy’s...

Words: 1421 - Pages: 6

Premium Essay

African International Politics

...stability and external relations with other nations. Most often, Western powers to aid states with failing democratic systems or nations that are strategic allies in certain regions of the world. For Western powers, it is important to promote the ideals of Democracy, and assist other nations deemed as crucial to Democracy’s development. Democracies and its expansion are vital for several reasons Democratic nations foster peace and stability. Following World War II, the United States believed it was imperative to sustain and support Western Europe. At the time Western Europe was facing the encroachment of the Soviet Union and its communist ideologies. The United States saw its support for Western Europe as essential in order to preserve their alliance, and most importantly to continue strengthening and expanding democratic ideals. However, as of the past twenty years, when it comes sub-Saharan Africa, Western nations are not nearly as concerned about a states internal or external stability. For example, countries such as Rwanda, Somalia, Sudan, and many other sub-Saharan countries are in utter turmoil, but the West has turned a blind eye. The burden now falls on organizations like the United Nations, Organization of African Unity, and other non-for profits to create solutions for the growing problems in Africa. Without any intervention from the more powerful Western states, they have seemingly forsaken the belief in direct support of and instead left Africa’s problems to be dealt with...

Words: 2340 - Pages: 10

Free Essay

The Somali Conflict: Finding a Solution for Lasting Peace in the Horn of Africa

...The Somali Conflict: Finding a Solution for Lasting Peace in the Horn of Africa The Civil War in Somalia History of the Somali Conflict The colonial territories of Somalia and Somaliland joined to for m the Somali Republic under the East African nation’s first constitution in 1960, marking the first time that the territories enjoyed independence from foreign colonial rule since the 1880’s. Unfortunately, political strife and tension was present even at the time of the country’s formation. Prior to colonial rule, the two territories were governed by a highly decentralized form of pastoral rule, consisting of large clans of nomadic and agricultural familial units (Ahmed 1999, 114). It has been argued that the incompatibility of such a decentralized form of governance with a highly centralized Western-style governmental structure is the fundamental driving force behind the ongoing political conflicts, formations of factions, and civil war in Somalia (Ahmed 1999, 115). Indeed, centralized government was not successful in the fledgling African country. By 1969, less than a decade after its inception, the Somali government was taken over in a swift and virtually bloodless military coup led by the commander of the Somali Army, Major General Mohamed Siad Barre (Linke 2011, 47). Upon seizing power, Barre quickly dissolved the country’s parliament and court system, suspended the constitution, and constructed a military dictatorship based largely on Marxist principles (Linke...

Words: 1205 - Pages: 5

Free Essay

Female Genital Cutting

...are very interested in knowing more about. This essay will give a brief history of Somalia (Fatima’s home country), and then it will go into female genital cutting in Somalia. Somalia is a country in eastern Africa. The countries of Djibouti, Ethiopia, and Kenya surround it. Somalis are thought to have been decedents from Africans and Arab people. The main languages in Somalia are Arabic, Italian and English. Islam is practiced through out the region. The majorities of Somalis are livestock herders and cultivate the land that they have. (www.cia.gov). Somalia became independent and its own country in 1960, when it got independence from England and Italy. Somalia has not had a stable government between 1991 and 2000. However, during 2000 a parliamentary government was formed but later on expired in 2003. In 2004, a new parliament was organized and a president was elected- Abdullahi Yusuf Ahmed. Since 1991, Somalia has been overwhelmed with chaos and anarchy. Somalia had gone through a difficult time in 1992 when a drought happened in Africa and was combined with a civil war. Somalia went through an intense famine that killed approximately 300,000 people. (www.cia.gov). There were many efforts done by the United Stated and the United Nations to help Somalia get through the drought and civil war. However, there was a negative reaction from some Somalis with “outside intervention”. In 2006, Somalia went through its worst outbreak of violence in 10 years. The fights were between...

Words: 1587 - Pages: 7

Premium Essay

My Ethnic Identity

...Mohamed Jama CMST 1012 01 Professor Sarff 2/2 Identity Paper Having experience of two cultural societies, of opposite hemispheres, helps me understand certain principle element such as cultural structures and perspectives. Coming from a third world country, or a “Failed State”, culture is the only thing left to keep the people together. Living in America where many groups considered the great melting pot, helps me realizing many similarities and differences. Somalia is a nation off the east coast of Africa. Unlike many African and western nations, Somalia is a single, homogeneous ethnic group. We share a uniform language, religion, cultural and trace our heritage as common ancestor. My Somali name has three parts; first given name...

Words: 1073 - Pages: 5

Premium Essay

The Media Front in Kenya’s 2011 Military Invasion of Somalia

...DEDICATION Dedicated to the 49 journalist killed in Somalia since 1992 and all those facing constant dangers across the world as they carry out their duties. ACKNOWLEDGEMENT This work would not have been accomplished without the help of many individuals who shared their insights, experience and time with me. I am grateful indebted for their support and I would like to express my special thanks to: Special dedication to my supervisor and my Personal Tutor at Leicester University Mr Pawas Bisht for his guidance and invaluable advice and constant encouragement. Andy Kapadia who was a helpful and perfect liaison between me and the university. I would not have made it this far without Mr Pawas and Andy’s help. I would also like to thank Mr Kamwaro of The Standard Library and Eric Njoka of Daily Nation’s for the cooperation they accorded me during the long hours I spent at their libraries. This work would have made no sense with the input of The Daily Nation Newspaper’s news editor Eric Shimoli and Senior reporter John Ngirach as well as the Standard’s Foreign Editor Andrew Kipkemboi and Senior reporter Cyrus Ombati. Through candid interviews these respected journalists gave me invaluable information. Finally I would like to express special thanks to all the other people, whose names are not listed here, for their help and willingness to explain their opinion, and to share their stories. ABSTRACT The study is a content analysis of The Daily Nation and The...

Words: 15488 - Pages: 62

Free Essay

Un Peackeeping Operations in Africa

...1. INTRODUCTION The horrors of Somalia, Angola and the Congo (present day Democratic Republic of Congo) made the new challenges that the present day United Nations faces easier to confront, as they highlighted the glaring weaknesses that riddled the early days of peacekeeping. The UN was portrayed as a vulnerable institution without a spine which could not enact strong and effective policies to deal with interventions, and it was this view which led me to look at the three most decisive UN interventions conducted on the African continent since its inception. The interventions in Angola , Somalia and Congo , were all conducted at different stages of the UN’s reign , and as such they help paint a clearer image on how far the organisation has come from post-World War II , through the Cold War to the present day. A major tool of the UN in its unprecedented efforts has been its UN Charter , within which it manifests its principles and goals clearly and concisely, and it is through this framework that it has conducted itself in every UN peacekeeping mission. The Charter is the working document of the UN as it follows its guidelines in a diligent and stringent manner. However, this stance has led to it being exploited by more cunning leaders, or even finding itself in the complex situation of being tempted to disobey the Charter, due to its limiting and constraining nature. In this essay, I will focus primarily on a combination of all the approaches used in writing essays .As such...

Words: 16435 - Pages: 66

Free Essay

Tomato History in Somalia

...cultivation and Tomato yellow leaf curl disease in Somalia. It presents the research problem and hypothesis and set objectives as well as the limitations of the study and its significance to the academic writers and to the university. Chapter One General Introduction 1.1Origin of Tomato Cultivation in Somalia All basic cultivated plants were probably derived from wild species. Cultivated plants have undergone extensive modifications from their wild prototypes as a result of the continuous efforts to improve them. The difference between cultivated and wild types are largely in their increased usefulness to humans, due to such factors as yield, quality and reduced shattering of seeds. Through the centuries, people selected from many thousands of plant species the few were most satisfactory to their needs and which, at the same time, were amenable to culture. Primitive people were masters in making these selections, and modern times have added little of basic importance. There is a scientific hypothesis that in order to find where a food crop originated in the world, you should look for the area where there is the most diversity of that crop growing in the wild. Applying this idea to the tomato, scientists conclude the mountains of Peru in North America were the birth place of tomato. Keep in mind that there are wild types of tomato, very resemble to the current cherry type (Yaanyo miroodle), and still grown in our country, Somalia, but the above mentioned rule restricts...

Words: 3116 - Pages: 13

Premium Essay

Djibouti Research Paper

...Djibouti has so much lifestyle and culture for being a small country in Africa. The economy, politics, geography, and culture have is what makes up the country. From 1967, Djibouti struggled to gain their independence from the French Territory of the Afar and the Issas. Following along in this essay will give you an insight on how a small country can make a huge impact on a big country. The country has a vast amount of trades passing through due to it being located along the Red Sea. Fruits and vegetables make up most of the countries crops that have traded many of places around the world. In 2013, the purchasing power parity estimated at two in a half billion, with a growth rate of five percent annually. The neighboring countries of Djibouti...

Words: 1015 - Pages: 5

Free Essay

Revenue Recognition

...and this is what I have to say. The Oromo people live in the Oromo and tigray areas as well as in Kenya(which part of Ethiopia is Oromo and Tigray regions?) But the Oromo people were originally from south Somalia (Where is your resource). Later on they migrated to Ethiopia and Kenya. Now the Oromo people live in what they call the Oromo country also known as biyya-Oromo. The Oromo people lived strictly by culture. But they are now coming out of that little shell(What is that mean) and opening the door to civilization (how did they live in earlier time, explain). Were (where) their language is slowly mixing with the Amharic language. The Oromo people use to live in small muddy tukuls, made of poop and straw, but are now slowly changing their way of life.(Can u write a little bit how this small muddy tukules made, the steps) They now have phones and electronics in their language even the internet offers that language. (Tutiye You need to write more about their culture, what most of them eat, The Oromo people believed in god waaq (Upper Case). (What is Waaq explain the ceremony) Elaburate more what it is) Waaq was on of those gods that existed in the Oromo tribe and also Somalia a while before the introduction of the Islam and Christian religion. In the Oromo and Somalia tribes no idols were worshiped except for waaq. Waaq was apparently very important to the Oromo tribe. When it comes to jobs the Oromo people still need some work and it is important that all children...

Words: 1110 - Pages: 5

Premium Essay

Iraq Freedom Final Paper

...IRAQ FINAL PAPER Events in Iraq have prompted some people on the left to make comparisons to the American experience in the Vietnam War. These people argue that the United States has put itself into an in-extractable “quagmire” from which there is no feasible withdrawal. This type of reasoning by historical comparison is not wise because no two historical events are completely alike. In the case of Iraq and Vietnam, extreme caution should be exercised in comparing two wars so far apart in historical circumstances, geography, and time. It becomes pretty obvious that the differences between the two conflicts greatly outnumber the similarities. This is especially true in the strategic and military dimensions of the two wars. There is simply no comparison between the environment, the scale of military presence, losses incurred over time, the quality of enemy resistance, the role and scope of enemy allies, and the duration of open warfare style combat. There are, however, two political parts of the Iraq and Vietnam wars that are similar in nature: our attempts at nation-building in a foreign culture, and our trying to sustaining domestic popular support in a long and drawn out war against insurgents. Policymakers should have an understanding of the reasons for U.S. political failure in South Vietnam, as well as for the Johnson and Nixon administrations’ failure to sustain popular support for the accomplishment of U.S. military objectives in Vietnam. A repeat of those failures...

Words: 1628 - Pages: 7

Premium Essay

“Ideology Is the Origin of All Contemporary Conflicts” Discuss

...concepts regarding human life or culture, or in simpler terms the core beliefs and customs of a group, for example the culture of democracy and capitalism in the majority of the western world. The current conflict in Syria can be regarded as contemporary as it is occurring in present day, but although the origin, how the conflict started, is due to the radicalist ideology of the ISIS islamic group, ideology in general cannot be regarded as the sole cause of all contemporary conflicts. On the 7th of October 2001, under a month after the infamous 9/11 attacks in Manhattan, the USA conducted their first airstrikes on targets in Afghanistan. The ‘War on Terror’ came after the Taliban Afghan government refused to hand over Osama Bin Laden and other Al-Qaeda leaders to the wrath of the US court system, demanding the USA give evidence of Bin Laden and other’s involvement and if so, they would be tried in an Islamic Court in Afghanistan. This conflict has been arguably the largest contemporarily, and the effects of 9/11 are still fully visible in today’s society, but it ultimately originated from a religious standpoint. Bin Laden announced a Jihad, or Holy War, against the United States with documents signed in 1998, calling for the killing of American citizens, due to the US’s support of conflicts against Muslims in various parts of the world including Somalia, Israel and Iraq. The example of one of the largest wars since World War 2 as being a war not originated from conflicting ideologies...

Words: 749 - Pages: 3

Premium Essay

The Origin of the Modern World

...1. “I was persuaded to stop writing that book. I started it four more times during the next twenty years. On each occasion, my decision to begin again was influenced by current world events: the U.S. invasion of Panama in 1989, the first Gulf War, Somalia, the rise of Osama bin Laden. However, threats or bribes always convinced me to stop. In 2003, the president of a major publishing house that is owned by a powerful international corporation read a draft of what had now become Confessions of an Economic Hit Man. He described it as "a riveting story that needs to be told." Then he smiled sadly, shook his head, and told me that since the executives at world head-quarters might object, he could not afford to risk.” The statement above was very appealing to me, I think it is because my family is constantly talking about how twisted our government truly is. The fact that there was something to hide so they persuaded him to stop writing it makes me realize how intimidating they must be. And then how he talk about all the wars, invasions, and other twisted things he was discussing made some one scared to publish the book even though they believe he needed to be said. 2. “This book is the confession of a man who, back when I was an EHM, was part of a relatively small group. People who play similar roles are more abundant now. They have more Euphemistic titles, and they walk the corridors of Monsanto, General Electric, Nike, General Motors, Wal-Mart, and nearly every other major...

Words: 655 - Pages: 3

Premium Essay

Human Security in Horn of Africa

...“I am one or two days away from death; they will shoot me dead, thus if you give birth to a son please name him after me.” ----An Eritrean victim of human trafficking from The Sinai Desert INTRODUCTION This paper examines the issue of human trafficking as it relates to human security in the Horn of Africa. Trafficking takes place by criminal means through the threat or use of force, coercion, abduction, fraud, deception, abuse of positions of power or abuse of positions of vulnerability. Further, it relates to all stages of the trafficking process: recruitment, transportation, transfer, harboring or receipt of person. An agreed definition of human trafficking exists under Article 3 of the “Palermo Protocol” on trafficking in persons which went into effect on 25 December 2003. This internationally agreed definition focuses on exploitation of human beings – be it for sexual exploitation, other forms of forced labor, slavery, servitude, or for the removal of human organs. Trafficking is not just a transnational crime across international borders; the definition applies to internal domestic trafficking of human beings. In the Horn of Africa (HOA), both cross border and internal trafficking of women and children is prevalent. For example, in Ethiopia, children are being trafficked into armed conflict where it is reported that over 20,000 of them have been victims. Almost all of the countries in the region have been identified as sources, transit points or destination...

Words: 7776 - Pages: 32

Premium Essay

A Temporary Matter

...The most interesting in my life is coming to America and learning English at the first time because my country Somalia has war going on and there is no peace. But in America there is no war and but peace. Also coming to this new place where you don’t understand the culture and the language is hard because this new place is not your home but you have to use to it and work hard to achieve your goal and make yourself educate so in the future you can find work and people who understand what you are saying.             When I first came to United States I did not know anything in this place called Syracuse even the weather so different because where I came from don’t have changing weather. But Syracuse was beautiful place and my family did not know people who speak our language. The houses were different just like I imagine. What I mean “different” is the place I came from was refugee camp and Syracuse is the big city where your dreams come true if you never saw big house, apartment, or white person I am not being races but I always see dark people not white people. It was interesting seeing these new things that I never saw in my whole life. Also I still love my country and now that I am use it in Syracuse it is my second home.             When I first start going to school I struggled a lot because I did not had a pervious knowledge of English language. Somehow I give a lot of time and try to learn English but some people make fun of me because the way I speak and some of the words...

Words: 471 - Pages: 2